077: Suurat Al-Mursalaat
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Waxaan ku dhaartay dabaysha wanaagga lala diro.
2. Iyo dabaysha sida daran u dhabata.
3. Iyo dabaysha roobka kicisa.
4. Iyo malaa'iigta xaqa iyo baaddilka kala bixisa.
5. Iyo malaa'iigta waxyiga soo dejisa.
6. Si dadka loo waaniyo, looguna digo.
7. Ee waxa dadoow Eebbe ku yaboohay, wuu dhici.
8. Markase xiddigaha nuurku ka tago.
9. Oo samadu dildillaacdo.
10. Oo buuraha la rujiyo.
11. Oo rasuulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii).
12. Maalin weyn oo loo qabtay darteed.
13. In dadka la kala bixiyo dartiis.
14. Maalinta kala-bixinta ma taqaannaa.
15. Halaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa beeniyey.
Eebbe wuxuu rabo ayuu ku dhaartaa oo ka mid ah Khalqigiisa. Halkanna wuxuu ku dhaartay shan arrimood, in waxa lagu dhaaran ay shaki la'aan tahay inuu dhici. Kaas oo ah abaal-marinta Qiyaame.
Waxaana ka horrayn waxyaalo waaweyn sida xiddigaha oo madoobaada, cirka oo duleeshama (dildillaaci) iyo buuraha oo burbura. Maalintaasna waxaa la kulmin rasuulladii iyo ummadohoodii.
Mujaahidna wuxuu yidhi: "Waa maalinta la soo kulmin rasuullada si ay ugu marag kacaan ummadohoodii".
Al-Mursalaat (1-15).
16. Miyaannaan halaagin ummadihii hore.
17. Haddana aannaan raacineynin kuwii dambe.
18. Sidaas ayaan ku falaynaa dembiileyaasha.
19. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa beeniya.
20. Miyaannaan idinka abuurin biyo tamar yar.
21. Markaasna yeelnay meel ilaashan.
22. Tan iyo muddo la yaqaanno.
23. Annagaa wax qaddarray, wax qaddarana u fiican.
24. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa beeniya.
25. Miyaanaan ka yeelin dhulka kafaalo-qaade.
26. Nolol iyo geeriba.
27. Waxaannu yeelnay dhulka dhexdiisa buuro sugan oo waaweyn. Waxaanna idinka waraabinnay biyo macaan.
28. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
Eebbe wuxuu innooga digay wixii ku dhacay ummadihii hore. Isagoo inna xusuusin waxa la innaga abuuray iyo siduu inoo abuuray. Iyo siduu dhulka innoogu sahlay, looguna dul noolaan, looguna dhiman. Oo buurahana ugu sugay, biyo macaanna innooga waraabiyey.
Culimada Quraanka fasirtayna waxay yidhaahdeen: "Eebbe wuxuu ku celceliyey suuraddan, 'Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa xaqa beeniyey', toban jeer si loo badiyo doonidda iyo cabsida".
Al-Mursalaat (16-28).
29. Aada (u socda) gaalooy cadaabkii xaggiisa aad beenin jirteen.
30. Aada hoos (qiiqa naarta) oo saddex madax ah.
31. Oo aan hoosinayn, ololna (kulaylna) wax ka tarayn.
32. Waxayna naartu tuuri dhimbiilo daran oo aad mooddo daar.
33. Ama aad mooddo geel madow ah.
34. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
35. Taasina waa maalin aanu hadlaynin dadku.
36. Lamana idmo si ay u cudur-daartaan.
37. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
38. Maalintani waa maalintii kala-bixinta. Waana idin kulminnay, idinka iyo kuwii horreeyayba.
39. Ee haddaad wax dhagri kartaan, dhagra.
40. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalimtaas kuwa xaqa beeniyay.
Eebbe cidna ma dulmiyo. Qiyaamahana waxaa lagu abaalmarin xaq-diideyaasha caddibaad daran. Iyadoon cidna hadli karin, ruux Eebbe idmo mooyaane, iyadoo dadkoo dhan la kulmin.
Dhabarina wuxuu yidhi: "Hooska naartu kuleylkeedana/ololkeedana kama hadheeyo, qabowgeedana kama dugsiyo".
Al-Mursalaat (29-40).
41. Kuwa Eebbe ka dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo.
42. (Waxayna cuni) khudaarta ay doonaan.
43. Waxaana lagu odhan, "Cuna oo cabba idinkoo shifaysan, camalkiinnii dartiis".
44. Sidaas ayaannu ku abaal-marinaynaa kuwa wanaagga fala.
45. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalimtaas kuwa xaqa beeniyay.
46. (Gaalada waxaa lagu odhan), "Cuna oo raaxaysta wax yar. Waxaad tihiin dembiileyaale".
47. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalimtaas kuwa xaqa beeniyay.
48. Markii la yidhaahdo gaalada, "Tukada". Ma tukadaan.
49. Halaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa beeniya.
50. Hadalkee ayey Quraanka dabadiis rumeynayaan.
Ruux waliba wuxuu la kulmi wuxuu hormarsaday, wuxuuna goosan midhuhuu abuurtay.
Muu'miniintuna waxay ku sugnaan Maalintaas Qiyaame hoos iyo biyo dureeri (qulquli), iyo nicmo badan.
Halka ay gaaladuba ku sugan tahay naar daran, oon iyo kadeedba, maxaa yeelay wanaagoodii adduunyadii bay ku soo hormarsadeen.
Waxaase la yaab leh oo is weydiis mudan ruuxii Quraankan rumeyn waayaa waxa kale ee uu rumeyn.
Muqaatil wuxuu sheegay: "Inay ku soo degtay aayadda, 'Haddii loo yidhaahdo tukada ma tukadaan', reer Thaqiif oo nebiga ka codsaday in salaadda laga daayo.
Nebiguna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) uu diiday oo uu yidhi: 'Khayr ma leh diin aan salaad lahayni'." Taasina waxay ku tuseysaa salaadda iyo Islaamnimadu inay isku xidhan yihiin.
Al-Mursalaat (41-50).
076: Suurat Al-Insaan
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Dhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego aanu ahayn (aanu jirin).
2. Annagaa ka abuurray dadka dhibic isku dheehan. Imtixaan dartiis, waxaannu ka yeelnay wax maqle, wax arka ah.
3. Annagaa dadka tusnay jidka. Waxayna noqdeen mid shukriya (mahadiya) iyo mid gaalnimo badan.
4. Annagaa u darabnay gaalada silsilado iyo katiinado iyo naarta Saciira.
5. Kuwa baarriyiinta ah (wanaagsan) waxay ka cabbi weel buuxa oo lagu dheehay kaafuur.
6. Waa il ay ka cabbaan addoomada Eebbe, ayna u jiidaan siday doonaan.
7. Wayna oofiyaan nadarka (ballan), waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (Qiyaamaha).
8. Waxayna quudiyaan iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo kan xabbisan (dhibban).
9. Iyagoo odhan, "Waxaan idiin quudinnay dar Eebbe, mana idinka doonaynno abaalmarin iyo mahadnaq midna".
Eebbaa jiray iyadoon wax kale joogin. Isagaana hadhi markii la tago.
Waxaana dadka soo maray waqti aanay waxba ahayn. Eebbaase abuuray si loo imtixaano kooda fiican iyo kan kale, jidka iyo wanaaggana wuu u caddeeyay.
Gaaladana caddibaad baa u sugnaatay.
Muu'miniinta Eebbe addeecda ee ballankiisa oofisa, Qiyaamahana ka yaabta ee masaakiinta, agoonta iyo dadka dhibbanna quudiya dar Eebbe dartiis, (Eebbe) wuxuu u darbay janno iyo wanaag.
Qataada wuxuu yidhi: "Sharku wuu fidi Maalintaas, Wallaahiye intuu cirka iyo dhulka ka gaadho".
Al-Insaan (1-9).
10. "Waxaan ka yaabaynaa Ilaahayaga Maalin (wejigu) doorsoomi oo daran".
11. Eebbana waa ka dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo farax.
12. Wuxuuna ku abaal mariyay, samirkooda dartiis, janno iyo xariir.
13. Waxayna ku dangiigsan sariiro sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo dhaxan midna.
14. Waxaana u dhow hooska jannada, waxaana loo soo raariciyay midhoheeda.
15. Waxaa lala kor socon weelal fidla ah iyo koobab quraarado ah.
16. Quraaradahaas oo fidla ah si fiicanna u qiyaasan.
17. Waxaana laga waraabiyaa ehlu jannaha sharaab macaan oo lugu dheehay sinjibiil.
18. Waana il lugu magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
19. Waxaana u adeegi wiilal waari, haddaad aragtaanna aad u malayn jowhar la saydhay.
Eebbe ciddii ka yaabta wuxuu ku abaal marin sharka oo uu ka dhawro iyo janno uu siiyo, iyaga oo aan wax xun la kulmayn. Waxaana u shaqayn adeegayaal waari oo ah wiilal wanaagsan, iyagoo loo dhammeeyay nicmooyinka Eebbe aayadaha ku tilmaamay. Oo ay waajib tahay ruuxii caqli lehi inuu higsado, una darbado.
Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: "Adduunyada waxa lagu sheegayo iyo jannada waxaa kulmiya magaca".
Al-Insaan (10-19).
20. Haddaad aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf weyn.
21. Dharkooduna (ehlu jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana loo xidhi fidlo gacmaha la gashado. Eebbana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiif ah.
22. "Kaasi waa abaal-marintiinnii, falkiiniina wuxuu noqday mid la mahadiyay".
23. Annagaa Quraanka nebiyow kugu soo dejinnay.
24. Ee ku samir xukunka Eebbe. Hana maqlin dembiile iyo gaalnimo badane (warkiis).
25. Xus magaca Eebbe subax iyo galabba.
26. Habeenkana Eebbe u sujuud, una tasbiixso habeenkii (u tuko) waqti dheer.
27. Kuwaasi waxay jecel yihiin tan soo degdegaysa (Adduunyada). Waxayna kaga tegayaan gadaashooda Maalin culus (Qiyaamaha).
28. Annagaa abuurray dadka, adkaynayna xubnohooda. Haddaan doonnana waxaan ku beddelaynaa kuwo la mid ah.
29. Suuraddani waa waano. Ee ruuxii doonaa ha ka yeesho Eebbe xaggiisa waddo.
30. Waxna ma dooni kartaan in Eebbe doono mooyee. Eebbana waa wax walba oge, falsan.
31. Wuxuu geliyaa naxariistiisa ruuxuu doono. Daallimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.
Jannada waxaa ku sugan waxaan ili arag isaga oo kale, dhegina maqal, qalbigana ku soo dhici karin.
Waase in Eebbaha Quraanka soo dejiyay la addeeco, dhibkana loo adkaysto.
Xumaanle warkiisana aan la maqal, Adduunyana aan Aakhiro laga doorannin si aan naxariista Eebbe u helno.
Al-Insaan (20-31).
075: Suurat Al-Qiyaamah
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Waxaan ku dhaaran maalinta Qiyaame.
2. Waxaan ku dhaaran (oo kale) nafta dagaasha (canaanan saaxiibkeed) (ee waa la idin soo bixin).
3. Ma wuxuu u maleeyay dadku in aanaan kulmineynin lafihiisa.
4. Sidaas ma aha ee waan karnaa inaan sinno (soona celinno) farihiisa.
5. Wuxuuse dooni dadku inay ka gaaloobaan waxa ka horreeya.
6. Wuxuu weydiin, "Waa goorma maalinta Qiyaame".
7. Markase araggu wareero (taagmo).
8. Dayaxuna madoobaado.
9. Lana kulmiyo qorraxda iyo dayaxa.
10. Wuxuu odhan dadku Maalintaas, "Xaggee loo cararaa?"
11. Sidaas ma aha ee ma jiro wax la magan-galo (Eebbe mooyee).
12. Xagga Eebbahaa ayaana Maalintaas loo ahaan.
Suuraddan waxaa lagu magacaabaa suuratul-Qiyaame, waxayna ka warrami Qiyaamaha iyo sida Eebbe dadka u soo kulmin. Iyo madax adayga gaalada iyo siday u beenin abaalmarinta.
Maxayse u tari waxaa iman maalin araggu taagmi, dayuxuna madoobaan oo uu qorraxdana la kulmi. Dadkuna ay odhan iyagoo calaacali, "Xaggee loo cararaa?" maanta. Dhabtuse waxaan Eebbe ahayn oo la magan-galo ma jiro maalintaas, xaggiisaana loo ahaan.
Al-Qiyaamah (1-12).
13. Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hor-marsaday iyo wuxuu dib-marsaday.
14. Ruux walibana naftiisa isagaa ku marag furi.
15. Si kasta hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
16. Ha dhaqaajinin nebiyow carrabka inaad Quraanka ku deg-degto (akhriskiisa).
17. Annagaa laabtaada ku kulmin, kuuna akhriyi.
18. Ee markaan akhrino, raac akhriskiisa.
19. Annagaana isa saarray caddeyntiisa.
20. Sidaas ma aha ee waxaad jeceshihiin dadow tan soo degdegeysa (Adduunyada).
21. Waxaadna ka tegeysaan Aakhiro.
22. Wejiyaal Maalintaas way ifi.
23. Eebbohoodna way eegi.
24. Wejiyaalna Maalintaas way kaduudsami (murugo awgeed).
25. Waxayna hubaan in lagu fali belaayo (caddibaadi ku dhici).
Eebbe wax ka qarsooni majiro, cid walbana wuxuu uga warrami waxay fashay. Ruux walibana isagaa naftiisa ku marag furi. Wax cudur-daar ahna lagama aqbalo.
Eebbana wuxuu faray nebigiisa in aanu ku degdegin akhriska Quraanka marka waxyigu ku degayo. Maxaa yeelay Eebbaa ballan qaaday inuu Quraanka kulmiyo, nebigana u akhriyo una caddeeyo.
Waxaase dhab ah in dadku ka jeclaaday Aakhiradiisa adduunyo (inta Eebbe doono mooyee).
Maalinta Qiyaamana waxaa loo qaybsami cid faraxsan oo Eebbe arki, iyo cid naxsan oo belaayo sugi.
Xasan Al-Bisri wuxuu yidhi: "Ilaahay bay fiirin, wayna mutaan inay ifaan iyagoo Eebbe fiirin".
Al-Qiyaamah (13-25).
26. Sidaas ma aha ee markay naftu gaadho dhuunta (waqtiga geerida).
27. Oo la yidhaahdo, "Yaa ku tufi" (u duceyn).
28. Oo uu yaqiinsado inuu dhiman.
29. Oo labada dhudhun isku marmaan (sakaraad dartiis).
30. Eebbahaa xaggiisaa la aadi (loo geeriyoon).
31. Mase rumaynin gaalku Xaqa, mana tukanin.
32. Laakiin wuu beeniyay, wuuna jeedsaday.
33. Wuxuuna aaday ehelkiisii, isagoo kibirsan.
34. Halaag buuse mutaa.
35. Haddana halaag buu mutaa.
36. Ma wuxuu u maleeyay dadku in looga tegi bilaash (dan la'aan).
37. Miyaanu ahayn dhibic mani (shahwo) ah oo la dhibciyo.
38. Kaddibna noqota xinjir oo Eebbe abuuro, ekeeyana.
39. Kana yeelo labadii nooc, lab iyo dheddig.
40. Eebbaha sidaas karaa, miyaanu awoodin inuu soo nooleeyo wixii dhintay.
Geeridu waa xaq, waase arrin daran. Wuxuuna Eebbe innooga warramay sakaraadka iyo dhibaatadiisa. Iyo inaan qaraabo iyo cidna wax u tari karayn. Eebbe xaggiisana loo ahaan. Taas oo ay waajib tahay in loo darbado.
Mase habboona in la maro waddadii Abii-jahal iyo wixii la mid ahaa, ee aan xaqa rumaynin, cibaadana falin, balse beeniyay, kana jeedsaday. Kibir iyo isla-weynina ehelkiisa ugu dhex noolaa, halaag buuse mutaa.
Miyaanuse dadku ogeyn in waajib laga rabo, iyo xaqa oo la raaco. Iyagoo xusuusan waxa Eebbe ka abuuray iyo siduu u ekeeyay, rag iyo haweenna ka dhigay. Taas oo ku tuseysa awoodda Eebbe iyo inuu soo kulmin wixii dhintay, si uu u abaal mariyo dhammaantood.
Al-Qiyaamah (26-40).
074: Suurat Al-Muddaththir
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. (Nebiga) isdedayow.
2. Istaag oo dig (dadka u dig).
3. Eebbahaana weynee.
4. Dharkaagana daahiri.
5. Xumaantana ka hijrood (iyo sanamyada).
6. Hana ku mannaysan adoo badsan (waxaad bixisay).
7. Eebbahaa dartiisna u samir.
8. Marka Suurka (Qiyaame) la afuufo.
9. Maalintaasu waa maalin ku daran.
10. Gaalada oo aan u fududayn.
11. Isu kaaya daa Aniga iyo kaan abuuray isaga oo keligiis ah.
12. Una yeelnay xoolo badan.
13. Iyo wiilaal jooga oo (darban).
14. Aan una waasiciyay risqiga (arsaaqadda).
15. Oo haddana sii damci inaan u badiyo.
16. Sidaas maaha, ee kaasi wuxuu diiday Aayaadkayaga.
17. Waxaannu ku kallifi (ku dhibi) cadaab daran.
Waxaa sugnaatay in rasuulku (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee) markuu waxyigu ku bilowday uu is deday, isagoo naxsan.
Markaas Eebbe faray inuu kaco, dadkana u digo. Eebbana weyneeyo, nadaafaddana ku dadaalo. Xumaantana ka fogaado, wuxuu bixiyana aanu sheeg-sheegin oo dar Eebbana u samro.
Muu'minka dhabta ahna sidaas ayaa laga rabaa.
Markase Qiyaamuhu yimaaddo gaalo waxay la kulmi dhib iyo halaag.
Mana habboona in Eebbihii ku abuuray, ee kuu nicmeeyay, ee aad waliba ka doonayso kordhin aad ka gaaloowdid, xaqiisana ka madax adaygtid sida gaalka aayaduhu tilmaameen.
AlMuddaththir (1-17).
18. Gaalkaasu wuu fekeray, wax buuna goostay.
19. Waxaana loo nacdalay siduu wax u goostay.
20. Haddana waxaa loo nacdalay siduu wax u goostay.
21. Kaddib wuxuu eegay (si uu Quraanka u wax yeelleeyo).
22. Wuuna weji macbuusay oo ururiyey (wejiga).
23. Markaasuu jeedsaday oo is kibriyey.
24. Isagoo odhan, "Quraankani ma aha wax aan sixir la soo guuriyey ahayn".
25. "Quraankani ma aha wax aan hadal bashar ahayn".
26. Waxaannu gelin kaas (naarta) Saqara.
27. Ma taqaannaa naarta Saqara.
8. Hilib iyo laf midna ma reebto.
29. Waxayna doorisaa jidhka (oo ay gubtaa).
30. Waxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).
Xaqa oo la raaco ayaa habboon. Ruuxiise ka hor yimaadda oo xumaan iyo dhagar maamulaa wuxuu la kulmi dhibaato iyo guul darro, sidii ku dhacday gaalkii Waliid Binu Muqiira ee dulloobay, laguna dilay dagaalkii weynaa ee Badar.
Eebbana wuxuu ugu gooddiyey kaas iyo wixii camalkiisa fala naar daran oo laf iyo lud (hilib) midna aan reebaynin.
Malaa'iigtuna waa junuudda (ciidamada) Eebbe ee naarta ka shaqaysa si loo ciqaabo dembiileyaasha, Eebbe ha naga koriyee.
Al-Muddaththir (18-30).
31. Ugama aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'iig, tirana uma aannaan yeelin inay gaaladu ku fidnoobaan mooyaane, iyo inay yaqiinsadaan kuwa Kitaabka la siiyay. Iyo inay kordhistaan kuwii xaqa rumeeyay iimaan, oo aanay shakiyin kuwii Kitaabka la siiyay iyo Muu'miniintu. Iyo inay yidhaahdaan kuwa qalbiga ka buka iyo gaaladu, "Eebbe muxuu uga jeedaa tusaalahan?"
Sidaas ayuu Eebbe u dhumiyaa (lumiyaa) ruuxa uu doono, una hanuuniyaa ruuxuu doono. Wax og junuudda Eebbe oo aan Isaga ahaynina ma jiro. Waxan la soo sheegayna ma aha waano dadka mooyee.
32. Waxaa sugan, dayaxaan ku dhaartaye.
33. Iyo habeenku markuu jeedsado.
34. Iyo subaxu markuu iftiimo.
35. Ee naarta Saqara waa waxyaalaha waaweyn midkood (belaayooyinka).
36. Waana digniinta dadka.
37. Ruuxii doona inuu hormaro, iyo ruuxii doona inuu dib u dhaco, (waa loo digay).
Eebbe wuxuu doono ayuu falaa, naarta cidda ka shaqaynna wuxuu ka dhigay malaa'iig. Si ciddii doontaana ay u hanuunto, ciddii doontaana u dhunto (lunto). Junuudda Eebbeheen iyo ciidammadiisana Isaga ayuun baa og.
Aayadahan la soo sheegeyna waa digniinta dadka.
Eebbana wuxuu ku dhaartay dayaxa, habeenku markuu jeedsado iyo subaxu markuu iftiimo in naarta Saqara ay ka mid tahay belaayooyinka waaweyn. Iyo digniinta dadka; ruuxii doonaa inuu hormaro, kii doonaana inuu dib u dhaco.
Kitaabu-Baxar waxaa lagu sheegay in hor-marka iyo dib-dhaca loola jeedo khayrka oo lagu hormaro iyo isagoo laga dib dhaco.
Ibnu Cabbaasna wuxuu yidhi: "Ruuxii doonaa ha raaco daacadda Eebbe, kii doonaana ha ka dib dhaco".
Al-Muddaththir (31-37).
38. Naf waliba waxay u xidhan tahay waxay camal fashay.
39. Hase yeeshee, kuwa midigta mari (ehlu khayrka).
40. Waxay geli jannooyin, waxayna is weydiin.
41. Dembiileyaasha.
42. Iyagoo ku odhan, "Maxaa idin geliyay naarta Saqara?"
43. Waxayna ugu jawaabi, "Ka mid maanaan ahayn kuwa tukada".
44. "Mana aannaan ahayn kuwa quudiya miskiinka".
45. "Waxaannu ahayn kuwa la dhumbada (tiimbada) kuwa xumaanta dhumban".
46. "Waxaannu ahayn kuwa beeniya maalinta abaalmarinta (Qiyaamaha)".
47. "Ilaa ay dhabtu nooga timaaddo" (geeridu).
48. Ma anfacayso kuwaas shafeecada kuwa shafeeca.
49. Maxaase u sugnaaday oo ay waanada uga jeedsadaan (u diideen).
50. Oo aad u mooddaa dameero diday.
51. Oo ka cararay libaax.
52. Haddana wuxuu dooni mid kasta oo ka mid ahi warqado qoran (kitaab).
53. Sidaas ma aha ee kama yaabayaan Aakhiro.
54. Waxaa sugan in Quraanku waano yahay.
55. Ruuxii doona ayaana waantoobi.
56. Mana waantoobayaan in Eebbe doono mooyee. Eebbana wuxuu mutaa in laga dhawrsado, wuxuuna ehel u yahay inuu dembi dhaafo.
Naf walba waxaa laga abaal marin waxay kasbatay, khayr iyo sharba.
Hase yeeshee, ehlu jannuhu waxay weydiin ehlu naarka waxa naarta geliyay.
Waxayna ugu jawaabi, "In aanay tukan jirin, miskiinna quudin jirin, xumaantana tiimban jireen, oo ay Qiyaamahana beenin jireen inta dhabtu uga timaaddo".
Kuwaas shafeeco wax uma tarto, maxaayeelay, xaqa ayey ka jeedsadeen (beeniyeen) iyaga oo aad mooddo dameero bahal ka cararay. Haddana mid kasta oo ka mid ah gaaladu wuxuu dooni in warqad qoran samada looga soo dejiyo.
Dhab ahaantuse waa in aanay Aakhiro ka yaabaynin. Quraankuna waano yahay, ruuxii doonaana waantoobi. Awooddana Eebbaha, in laga cabsado muta ee dembi dhaafna ehel u ah, ayaa iska leh.
Al-Muddaththir (38-56).
073: Suurat Al-Muzzammil
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. (Nebiga) isduuduubayow.
2. Istaag habeenkii (tuko), wax yar mooyee.
3. Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.
4. Ama ka badi, Quraanka u akhri si fiican.
5. Annagaa kugu dejin hadal culus (weyn).
6. Habeenka saacadihiisa (oo la tukado) ayaa ku daran khushuucda, aadna u toosan.
7. Maalintii waxaa kuu sugnaatay shaqo dheer.
8. Magaca Eebbana xus, cibaadadiisana u go'.
9. Qorrax ka-soo-bax iyo qorrax u-dhacba Eebbaa iska leh. Isaga mooyee ilaah kalena ma jiro, ee ka yeelo wakiil (la cuskado).
10. Kuna samir waxay sheegi gaaladu, si quruxsanna uga hijrood (iskaga tag).
11. Isu kaaya daa Aniga iyo kuwa beeniyay Xaqa ee nicmaysan, wax yarna sug.
12. Agtayada waxaa ah caddibaad iyo naarta Jaxiimo.
13. Iyo cunto lagu mergado iyo cadaab daran.
14. (Waxay ku dhici arrintaasu) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan. Buuruhuna ay noqon tamuux socda (bacaad daadanaya oo aan lugta celinayn).
Nebiga (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu Eebbe faray inuu xaqa gaadhsiiyo dadka, cibaadadana badiyo, gaar ahaan habeenkii. Wuxuuna ku mannaystay inuu ku dejiyay Quraan sharaf leh. Wuxuuna faray inuu badiyo xuska Eebbe iyo cibaadadiisa. Maxaa yeelay Adduunka Eebbaa iska leh, ilaah aan Isaga ahaynna ma jiro.
Waxaa kale oo uu (nebiga) faray inuu Eebbe talo saarto, dhibkana u adkaysto, gaaladana ka hijroodo. Oo uu isu daayo iyaga iyo Eebbe, wax yarna sugo. Maxaa yeelay, Eebbe agtiisa ayaa cadaab iyo ciqaabi u taallaa gaalada maalinta Qiyaame.
Al-Muzzammil (1-14).
15. Annagaa idiin (soo) dirray rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray Fircoonba rasuul.
16. Fircoonna wuu caasiyay rasuulkii (nebi Muuse). Fircoonna waxaan ku qabannay qabasho daran.
17. Ee sidee baad gaalooy uga dhowrsanaysaan caddibaadda maalinta Qiyaame ee carruurta cirroole ka yeeli haddaad gaaloowdaan.
18. Samaduna Maalintaas darteed ay la dildillaaci. Ballanqaadka Eebbana waa wax dhici.
19. Aayadahani waa waano, ee ruuxii doonaa Eebba xaggiisa jid ha uga yeesho.
Diridda rasuulku ma aha wax gaar ku ahayd nebiga (Maxammed), ee waxaa jiray in Eebbe diray nebiyo iyo rasuullo badan sidii nebi Muusihii loo diray Fircoon oo is kibriyay oo beeniyay. Eebbana ciqaab daran ciqaabay.
Ruuxii wax-garad ahise waa inuu waano qaato, una darbado maalinta Qiyaame ee dhibka badan, Eebbe xaggiisana jid fiican uga samaysto.
Al-Muzzammil (15-19).
20. Eebbahaa wuxuu og yahay nebiyow inaad tukatid (habeenkii) wax saddex meelood laba, iyo badhkiis, iyo saddex meelood meel. Iyo in koox ka mid ah kuwa kula jira ay tukato. Eebbana waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuuna og yahay in aydaan koobi karin, wuuna idinka toobbad aqbalay ee akhriya wixii idiin fududaada oo Quraan ah. Wuxuu Eebbe og yahay inay idinka mid noqon kuwo buka iyo kuwo safri (socdaal ah) iyagoo dooni khayrka Eebbe iyo kuwo u dagaallami jidka Eebbe. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Quraan ah. Salaaddana ooga, sekadana bixiya. Eebbana wax wanaagsan deynsada. Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaan doontaan, kana heleysaan Eebbe agtiisa isagoo khayr iyo ajri weyn ah. Ee Eebbe dembi-dhaaf weydiista, waa Dembi-dhaafe naxariista e.
Eebbe waa og yahay camalkeenna iyo dhaqdhaqaaqeenna, habeen iyo dharaarba.
Waxaana laga rabaa ruuxa muu'minka ah inuu Eebbe ku xidhnaado oo toobbad keeno. Quraankana akhriyo, camalkiisuna noqdo mid habaysan oo aan ahayn mashaqo iyo dhibaato.
Waxaa lagu shuqloomi karaa jirro (bukaan) iyo tijaaro (ganacsi) xalaal ah. Waase in Eebbe si joogto ah loo caabudo. Salaadda, sekada iyo khayrkana la hormarsadaa si wanaag, ajri iyo dembi-dhaaf Eebbe agtiisa looga helo.
Al-Muzzammil (20).
072: Suurat Al-Jinn
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Waxaad tidhaahda (nebiyow), "Waxaa la ii waxyooday inay dhegeysteen koox Jinni ahi (Quraanka). Yidhaahdeenna, 'Waxaannu maqallay Quraan layaab leh'.
2. 'Oo ku hanuunin xaqa, waana rumaynay. Waxaan Eebbe cibaado la wadaajineynaana ma jiro'.
3. 'Waxaana sarreeya sharafta Eebbeheen, mana yeelan haweenay iyo