066: Suurat At-Taxriim
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Nebiyoow maxaad u xarrimi wax Eebbe kuu xalaaleeyey, si aad u raalli geliso haweenkaaga? Eebbe waa Dembi-dhaafe, Naxariiste ah.
2. Eebbe waa idiin caddeeyey waxa dhaartiinnu ku xalaaloobi. Eebbena waa Gargaarihiinna, waana Wax-Walba-Oge, Fal-San.
3. Ma xusuusan waqtigii Nebigu ku qarsaday haweenkiisa qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay xaalkii. Eebbana uu Nebiga u daahiriyey. Markaas Nebigu uu ogeysiiyey qaarkiis (haweeneydii), qaarna uu ka dhaafay. Markuu u warramay ay tidhi: "Yaa kuu sheegay xaalkan?" Kuna yidhi: "Waxaa ii warramay Eebbaha Wax-Walba-Oge ah, ee Yaqaanna".
4. Haddaad Eebbe u noqotaan, inkastoo qalbigiinnu iishay, Eebbe wuu idiin dhaafi. Haddaadse isu kaalmaysataan Nebiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari Eebbe, Jibriil iyo kuwa suubban ee Muu'miniinta ah. Malaa'iigta (kalena) markaas ka dib ayey xoojin.
5. Wuxuu Eebbe u dhow yahay, haddii uu Nebigu idin furo (haweenka Nebiga qaarkood), in uu idiinku beddelo kuwo (haween) idin ka kheyr roon oo ah Muslimiin, Muu'miniin ah; addeeca Eebbe, toobbad keena, Eebbe caabbuda, soomana - kuwo horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.
Aayadahani waxay ku soo degeen mar uu Nebigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiis Eebbe ha yeelee) caano ama malab uu ka soo dhadhamiyey guri haweeneydiis. Markaas uu kuwa (haweenka) kale qalbigooda wax galay.
Eebbana Isagaa wax xalaaleeya, waxna xarrima. Sidaas daraadeed, ayuu Nebiga ugu jeediyey arrintaas.
Tan kale, waa in aan la isku kaalmaysan dhib iyo waxyeello ee la isku kaalmaystaa wanaag iyo samo-fal. Eebbana waa gargaaraha Rasuulkiisa iyo Muu'miniinta.
Masruuqna wuxuu yidhi: "Nebiga waxaa la faray inuu dhaartii ka kafaaro-guto".
At-Taxriim (1-5).
6. Kuwa xaqa rumeeyoow, ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax. Naartaas oo ay ka shaqeeyaan malaa'iig adag oo daran oo aan Eebbe ku caasiyeynin wuxuu faro, falana wixii la amro.
7. Kuwa gaaloobayoow, ha cudur-daarannina maanta (Qiyaamaha). Waxaa uun la idinka abaal marin waxaad camal fali jirteen.
8. Kuwa xaqa rumeeyoow, u toobbad keena Eebbe, toobbad san. Wuxuu Eebbe u dhow yahay inuu asturo xumaantiinna, idin geliyana jannooyin ay dureerayso (qulquli) dhexdooda webiyaal; maalinta aanu Eebbe hoojineynin Nebiga iyo kuwa la jooga. Nuurkooduna wuxuu socon hortooda iyo midigtooda, iyagoo odhan, "Eebboow noo taam yeel nuurkayaga, noona dembi dhaaf, Adigaa wax walba kara e".
9. Nebiyoow la jihaad gaalada iyo munaafiqiinta, kuna adkow. Hoygooduna waa Jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
Dadka xaqa rumeeyey waa inay ehelkooda kheyrka faraan, si ay uga nabad galaan naar dadka iyo dhagaxa lagu huriyo, malaa'iig daranna oo amarka Eebbe fulisaana ay ka shaqayso. Si ayna u noqonnin sida kuwa xaq-diidka ah ee lagu odhan: "Ha cudur daarannina maanta!"
Waana in Eebbe toobbad dhab ah loogu toobbad keeno si uu wanaag iyo dembi-dhaaf innoogu abaal mariyo maalinta Nebiga iyo intii raacday Eebbe u samo fali, illeyn wax walba Isagaa kara e. Gaalada iyo munaafiqiintana waa in lala jihaado si jidka toosan loo tuso.
Rasuulkana (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) waxaa la warsaday Tawbadda Nasuuxa ah (toosan). Wuxuuna yidhi: "Waa in la qoomammeeyo dembiga markuu kaa dhaco. Oo aad markaas Eebbe dembi-dhaaf warsato (weydiisato). Oo aanad (dembiga) u noqonin".
At-Taxriim (6-9).
10. Eebbe wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaaloobay haweenkii nebi Nuux iyo nebi Luud. Waxaa qabey laba addoon oo Eebbe oo suubsuubban. Markaasay khiyaameeyeen nebiyadaas. Waxbana ugama ay tarin Eebbe agtiis. Waxaana lagu odhan labadaas haweeney: "La gala naarta, kuwa gelaya".
11. Waxaa kale oo Eebbe tusaale uga dhigay kuwa rumeeyey haweeneydii Fircoon markay tidhi: "Eebboow guri agtaada iiga dhis, jannada dhexdeeda. Igana nabad geli Fircoon iyo camalkiisa. Igana nabad geli dadkaas daallimiinta ah".
12. Maryama Bintu Cimraanna xusuusta ee is dhawrtay. Markaas malaggu jeebka ka afuufay, rumaysayna sharciga Eebbe iyo Kutubtiisaba. Kana mid noqotay kuwa Eebbe addeeca.
Ruux xumaanloow ah wax uma tarto la nooli dad fiican haddii aanu wax qaadaneynin, sida haweenkii nebi Nuux iyo nebi Luud iyo wixii la mid ahaa.
Sidoo kale, ruuxii wanaagsan xumaan qof kale wax ma yeesho haddii aanu ka raalli ahayn, sida haweeneydii Fircoon, Maryama Bintu Cimraan oo nebi Ciise hooyadiis ahayd - xaalkeeduna la yaab ayuu lahaa.
Waxayse ku tuseysaa in Eebbaha Bini Aadamka abuuray uu siduu rabo wax u falo; sidaasna waa in la rumeeyo.
Nebiguna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuuxuu yidhi: "Waxaa kaammil noqday ragga wax badan. Haweense waxaa ka kaammil noqday Aasiyadii Fircoon, Maryama Bintu Cimraan, iyo Khadiijo Bintu Khuweylid. Fadliga Caa'isha ee haweenkana waa sida thariidka iyo cuntada kale". Bukhaari iyo Muslim.
At-Taxriim (10-12)..
065: Suurat Adh-Dhalaaq
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Nebiyow haddaad haweenka furaysaan ciddada ku fura (daahir aan la taaban), ciddadana tiriya. Eebbana ka dhawrsada. Hana ka bixinnina (saarina) guryahooda (ay joogeen marka la furayey). Iyaguna yaanay ka bixin (yaanay ka tegin) inay xumaan cad la yimaaddaan mooyee. Taasi waa xuduuddii Eebbe. Ruuxii ka tallaaba xuduudda Eebbena naftiisa ayuu dulmiyey. Ma ogidin, wuxuu Eebbe u dhow yahay inuu ka dib xaal keeno, (jaceyl isku noqosho).
2. Markay ciddada dhamaadkeeda (ku dhowaadaan) si fiican u haysta, ama si fiican u faaruqa (fura). Dad caaddiliin ah oo idin ka mid ahna marag uga dhiga, maraggana ha u guteen Eebbe dartiis. Xaalkaasi waa wacdi ruuxii rumayn Eebbe iyo Maalintii dambeysay (Qiyaamaha). Ruuxii Eebbe ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj.
3. Wuxuuna ka irsaaqi meel aanu ka fileyniyn. Ruuxii Eebbe talo saartana waa ku filan yahay. Eebbana amarkiisu waa fuli, (waxna kama fakado = baxsado/badbaado). Wax walbana Eebbe wuxuu u yeelay waqti sugan (oo go'an).
Is-furiddu waa xaal diinta Islaamku aanay jeclayn, maxaayeelay waxaa ku dumi guri iyo qoys. Hase yeeshee, markay lagama maarmaan noqoto waa bannaan tahay. Waase in aan lagu xad gudbin haweeyneyda la furi. Waqti fiicanna la furaa, gurigana aan laga saarin intay ciddada ku jirto; waxaaba laga yaabaa inay isku noqdaane.
Waana in wanaag lagu wada noolaado, ama wanaag loo kala tago. Eebbana ha laga yaabo, taladana ha loo dhiibto illeyn wax walba Isagaa awoodee si uu faraj innoogu furo.
Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: "Ruuxii badiya dembi-dhaaf warsi wuxuu uga yeelaa Eebbe murugo walba faraj, cidhiidhi walbana ka bixid. Wuxuuna ka arsaaqaa meel aanu ka fileyn".
Waxaa wariyey Imaam Axmed.
Adh-Dhalaaq (1-3).
4. Haweenkiinna caadada ka quustay (caado-goys) haddaad shakidaan ciddadoodu waa saddex (3) bilood. Kuwa aan caado lahaynna waa sidaas oo kale (saddex bilood). Haweenka uurka leh ciddadoodu waa inay umulaan (dhalaan). Ruuxii Eebbe ka dhawrsadana wuxuu u fududeyn amarkiisa.
5. Kaasi waa amarkii Eebbe uu idiin soo dejiyey. Ruuxii Eebbe ka dhawrsadana xumaantiisa ayuu asturaa, ajirkiisana wuu weyneeyaa.
6. Dejiya haweenkaas (ciddada ku jira) meelaha aad deggan tihiin ee aad heli kartaan. Hana dhibina si aad u cidhiidhidaan. Hadday uur leeyihiinna nafaqeeya (masruufa) intay ka umulaan (ka dhalaan). Hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro (masruuf iwm). Wanaagna is fara. Haddii la isku qabto nuujintana mid kale (hooyo kale) ayaa nuujin.
7. Ha ka nafaqeeyo (masruufo) midka awood xoolo leh awooddiisa. Kan wax yarna (xoolo yar) ha ka nafaqeeyo waxa Eebbe siiyey (ee uu karo). Eebbana kuma mashaqeeyo naf wax aanu siinin. Eebbana wuxuu yeeli cidhiidhi dabadiis fudeyd (faraj).
Diintu waxay u timid inay dadka u caddayso arrimahooda.
Sidaas daraadeed, aayadahani waxay ka warrami ciddada haweenka la furo. Taas oo ah in haweeneyda aan caado lahayn ay saddax (3) bilood tirsan. Tan uurka lehina markay umusho. Xaalkaasna waa arrin Eebbe soo dejiyey.
Tan kale, waa in hooyo loo yeelaa intay ciddada ku jirto, lana masruufo. Ruux walibana awooddiisa uu ka masruufo, illeyn Eebbe dadka kuma kallifo (mashaqeeyo) wax aanay awoodin e.
Ciddii Ilaahay ka yaabta, kuna xidhnaanta, Eebbe faraj ayuu u furi, xaalkiisana wuu fududeyn. Waxaanna soo sheegnay in 'cidhiidhi kasta Eebbe ka yeelo faraj' sida Imaam Axmed wariyey.
Adh-Dhalaaq (4-7).
8. Maxay badan tahay magaalo caasiday amarka Eebbe iyo rusushiisa (rasuulladiisa). Markaas Eebbe xisaabay, xisaab daran, caddibaad adagna caddibay.
9. Oo dhadhamisay cidhibtii xaalkaa xumaantiisa. Cidhibteediina ku dambeysey khasaare.
10. Eebbe wuxuu u darbay kuwaas caddibaad daran, ee Eebbe ka dhawrsada kuwa caqliga lehoow, rumeeyeyowna. Ilaahay wuxuu idiin soo dejiyey Quraane.
11. Rasuulna wuu idiin soo diray, kaas oo idiin akhriya Aayaadka Eebbe ee cad cad. Si uu kuwa Muu'miniinta ah, camal wanaagsanna falay, uga bixiyo mugdiga, nuurkana ugu bixiyo. Ruuxii Eebbe rumeeya, camal wanaagsanna fala wuxuu (Eebbe) gelin jannooyin ay dureerayso (qulqulayaan) dhexdeeda webiyaal. Wayna ku waari weligood. Eebbe waa wanaajiyey kuwaas risqigooda (arsaaqaddooda).
12. Eebbe waa Kan abuuray toddobo (7) samo, dhulkana kala mid dhigay. Amarka Eebbena wuxuu ku soo degaa dhexdooda, si aad u ogaataan in Eebbe wax walba karo, wax walbana koobay.
Kibir iyo isla weynaan, madax adayg iyo xaqa oo laga soo horjeesto waxay cidhibtiisu noqotaa halaag iyo caddibaad daran, sida ay la kulmeen gaaladii sidaas falay ee horreeyey. Hase yeeshee, dadka xaqa rumeeyey ee caqliga lehi waa inay aad ugu waano qaataan kuwaas. Eebbana ka dhawrsadaan, illeyn waa Ka Quraanka u soo dejiyey, Rasuulna u soo direy, mugdigana ka saaray, nuurna u bixiyee. Si markaas wanaag iyo janno loogu abaal mariyo. Maxaa yeelay Eebbe waa Kan awoodda leh, wax walbana abuuray, wax walbana cilmigiisu koobay.
"Ruuxii dulmiya taako dhul ah, waxaa madaxa loo geliyaa toddobada (7) dhul". Waa Saxiix.
Adh-Dhalaaq (8-12).
064: Suurat At-Taghaabun
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Waxaa Eebbe nasaha (weyneeya) waxa samaawaatka (cirka) iyo dhulka ku sugan. Awood iyo mahadbana Eebbaa iska leh, wax walbana Isagaa kara.
2. Eebbe waa Kan idin abuuray; qaarkiinna gaalo ayuu noqday, qaarkiinna Muu'miniin. Eebbana waxaad camal falaysan waa arkaa.
3. Samaawaatka (cirka) iyo dhulkaba wuxuu Eebbe u abuuray si xaq ah. Wuuna idin sawiray Eebbe, dadoow, suuraddiinana wuu wanaajiyey. Isagaana loo noqon (Aakhiro).
4. Wuxuu og yahay waxa samaawaatka (cirka) iyo dhulka ku sugan. Wuxuuna og yahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaan. Eebbana waa og yahay waxa laabta (qalbiga) ku jira.
Eebbe waxaa u khushuuca una hogaansama awooddiisa waxa ku sugan cirka iyo dhulka sida Aayado badani sheegeen. Isagaana mahad iyo qudradba (awood iyo tamar) iska leh. Bani Aadamkana Isagaa abuuray, jidkana tusay; samaan iyo xumaanba.
Abuurka Eebbana ciyaar ma aha ee waa xigmad (murti) iyo imtixaan. Waxa dadku camal falana (Eebbe) waa og yahay dhamaantiis.
Sidaas daraadeed, waa in niyadda iyo qalbigaba la daahiriyo, Eebbana la weyneeyo illeyn Isagaa awood leh, loona noqone.
At-Taghaabun (1-4).
5. Mivuuna idin soo gaadhin warkii kuwii gaaloobay ee horreeyey. Waxay dhadhamiyeen xumaantii camalkoodii. Waxaana u sugnaaday caddibaad daran.
6. Arrintaas waxaa ugu wacan in rasuullo u la yimaaddeen xujooyin. Balse ay yidhaahdeen (gaaladii): "Ma dad baa na hanuunin?" Kaddiban ay gaaloobeen oo jeedsadeen, iskana deeqtooneysiiyeen (weynaysiiyeen) Eebbe. Eebbana waa Midka hodanka ah, lana mahadiyo.
7. Waxay sheegeen kuwii gaaloobay 'inaan la soo bixineynin' (la soo nooleyn doonin si loo xisaabiyo Aakhiro). Waxaad tidhaahdaa: "Sidaas ma aha. Eebbe wuxuu ku dhaartay in la idin soo bixin, la idiinkana warrami waxaad camal fasheen. Taasina waa u fududdahay Eebbe".
8. Ee rumeeya Eebbe iyo Rasuulkiisa iyo nuurka Eebbe soo dejiyey (Quraanka). Eebbana waxaad camal falaysaan waa og yahay.
9. Maalinta Qiyaamaha ee Ilaahay idin soo kulmin, waa maalin kado (kadeed, dhibaato iyo jirrab badan). Ruuxiise Ilaah rumeeya, camal wanaagsanna fala, Eebbe xumaantiisa (dembigiisa) wuu asturi. Wuxuuna gelin jannooyin ay dhex dureeraan (qulqulayaan) webiyaal, way kuna waaraan weligood. Taasina waa liibaan weyn.
10. Kuwa gaaloobayse, beeniyeyna Aayaadka Eebbe waa kuwo ahlu naar ah. Waxayna ku waari (naar) dhexdeeda; meel loo ahaadana iyadaa u xun.
Warkii Ummaddii hore waxaa looga dan leeyahay in lagu waano qaato, lagana leexdo jidkoodii xumaa ee xaq-diidka iyo madax adaygga ahaa. Lana rumeeyo Quraanka nuurka Eebbe ah iyo xaqa oo dhan, si Eebbe maalinta Qiyaame ee kulminta naxariis iyo jannooyin inoo siiyo. Loona gaadho liibaan Eebbe, lagana nabad galo naar daran oo loo darbay xaq-diideyaasha.
Muqaatilna wuxuu yidhi: "Ma jiro khasaare ka weyn in kuwaasina Jannada galaan, kuwaasna lala aado Naarta".
At-Taghaabun (5-10).
11. Wixii musiibo ah (dhib ah) oo dhaca waa idanka (amarka iyo awoodda) Eebbe. Ruuxiise Eebbe rumeeya waxaa hanuuni (oo xasili) qalbigiisa. Eebbana wax walba waa og yahay.
12. Eebbe addeeca (ka amar qaata), Rasuulkiisana addeeca. Haddaadse jeedsataan (xaqa diiddaan), waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaadhsiiyo.
13. Eebbe mooyee Ilaah kale ma jiro. Isaga uun ha talo saarteen Muu'miniintu.
14. Kuwa xaqa rumeeyoow, haweenkiinna iyo carruurtiinna waxaa ka mid ah kuwo col idiin ah, ee ka digtoonaada. Haddaadse iska cafidaan, saamaxdaanna, Eebbe waa Dembi-dhaafe, Naxariiste ah.
15. Xoolihiinnu iyo carruurtiinnu waa uun fidno (ibtilo). Eebbe agtiisa ayaase ajar weyn (ku sugan yahay).
Wax waliba idanka Ilaah ayuu ku dhacaa. Ruuxiise Eebbe rumeeya waxaa hanuuni oo toosi xasilina qalbigiisa.
Sidaas daraadeed, waa in Eebbe iyo Rasuulkiisa Muxamad ah (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) la addeeco. Waana in Eebbe lagu xidhnaado, lana talo saarto. Wax kasta oo xaqa kaa leexin ama kaa shuqlinna (mashquulin) laga digtoonaado, maxaayeelay Eebbaa wax loo dhowaado ah.
Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: "Ilmuhu waa midhaha qalbiga. Wayna ku fulayeeyaan, kuna bakhayliyaan, kuna walbahaariyaan".
At-Taghaabun (11-15).
16. Eebbe ka dhawrsada intaad kartaan. Maqla oo addeecana (weyneeya). Waxna baxsada. Ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay.
17. Haddaad Eebbe amaah fiican amaahsataan (wax sadaqeysataan), Eebbe waa idiin laban-laabi, dembigiinana wuu dhaafi. Eebbana waa kan la Mahadiyo ee Dusha san.
18. Waxa maqan iyo waxa joogaba Eebbe waa og yahay, waana Adkaade, Fal-San.
Diinta Islaamku ma aha wax lagu dhaqmi waayi oo adag, ee waa fududdahay. Eebbana dadka wuxuu ka rabaa intay karaan uun inay ka yaabaan.
Waana in xaqa la isku maqlaa, layskuna addeecaa. Waxna la baxsadaa, bakhaylnimada iyo xoolo jaceylka daranna laga fogaadaa; si Eebbaha wax walba ogi innoogu abaal mariyo wanaag iyo khayr.
Waxaa sugnaaday: "Haddaan wax idin faro la yimaadda waxaad kartaan. Haddaan (wax) idinka reebana ka reebtoonaada". Waa Saxiix.
At-Taghaabun (16-18).
063: Suurat Al-Munaafiquun
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Markay kuu yimaaddaan (Nebiyow) munaafiqiintu waxay odhan, "Waxaan marag ka nahay in aad tahay Rasuul Eebbe". Ilaahayna waa og yahay in aad tahay rasuulkiisii. Eebbana wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu beenaaleyaal yihiin (xagga niyadda).
2. Dhaartooda (beenta ah) ayey ka dhigteen gaashaan. Dadkana waxay ka iileen jidkii Eebbe. Waxay samaynna aad buu u xun yahay.
3. Sidaas waxaa ugu wacan inay (xagga muuqa) rumeeyeen, haddana (hoosta) ka gaaloobeen. Quluubtoodana waa la daabacay (la daboolay), wax xaq ahna ma kasayaan (ma garanayaan).
4. Haddaad aragto munaafiqiinta waad la yaabi jidhkooda iyo muuqooda. Hadday hadlaanna waad dhegeysan hadalkooda, waxaadse mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey. Qayladii yeedhabana way ka cabsadaan. Waa col kuwaasi. Eebbena ha lacnado (nacdalo) ee xaggee loo duufsan.
Suuraddani waxay ka sheekayn munaafiqiinta iyo xumaantooda. Maxaa yeelay xagga muuqaalka waxay sheegan inay xaqa rumeeyeen, xagga hoosna waxay Islaamka u la joogaan colnimo iyo xumaan.
Kuwaasi waa ahlu naar ee yaanay kugu khaldin bidhaanta iyo afka macaan ee suntu ka hoosayso.
Al-Munaafiquun (1-4).
5. Marka lagu yidhaahdo munaafiqiinta, 'Kaalaya Rasuulku ha idiin dembi-dhaaf weydiiye Eebbe e' waxay ruxaan madaxa (diidmo darteed). Waxaad aragtaa iyagoo jeedsan oo is kibrin (kibraaya).
6. Waa isku mid haddaad u dembi-dhaaf weydiisid (Nebiyow) iyo haddii kale. Marnaba Eebbe u dembi-dhaafi maayo, maxaa yeelay Eebbe ma hanuuniyo dad faasiqiin ah (falal xun sameeyeyaal).
7. Waa kuwa odhan (munaafiqiintu), "Ha quudinnina kuwa Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan". Eebbaa iska leh khasnadaha samaawaatka (samooyinka) iyo dhulka. Hase yeeshee, munaafiqiintu ma fahansana.
8. Munaafiqiintu waa kuwa odhan, "Haddaan Madiina u noqonno, waa in kuwa tabarta (tamarta) lihi ka bixiyaan magaalada kuwa dullaysan". Tabar iyo sharaf Eebbaa iska leh iyo Rasuulkiisa iyo Muu'miniinta. Hase yeeshee, munaafiqiintu ma oga.
9. Kuwa xaqa rumeeyoow, yaanay idinka shuqlinin (mashquulin) xoolihiinnu iyo carruurtiinnu xuska Eebbe (daacaddiisa). Ciddii sidaas fashaana waa mid khasaartay.
10. Bixiyana wax ka mid ah waxa Eebbe idinku arsuqay geerida horteeda (inta aad nooshihiin). Oo markaas uu yidhaahdo (ruuxii aan wax baxsan), "Eebboow maad muddo dhow dib ii dhigtid oo aan (wax) sadaqaysto. Kuwa suubanna aan ka mid noqdee".
11. Naf malaggeedii galayna Eebbe dib uma dhigo. Ilaahayna waa og yahay waxaad camal falaysaan.
Isla weynidu waa xun tahay. Mana aha in ruux caqli (garaad) lihi diido in wanaagga loogu yeedho.
Hase yeeshee, arrinta Ilaahay baa maamula, risqigana isagaa bixiya, ee ma aha sida ay munaafiqiintu moodeen.
Tan kale, waa in aan xoolaha iyo carruurtu sabab u noqonnin Eebbe ka fogaansho, illeyn waa khasaare sidaasiye.
Waana in wax la baxsadaa geeri ka hor si dadka suubban (wanaagsan) looga mid noqdo. Oo aan hadhowna loo calaacalin, illeyn naf malaggeedii (wedkeedii) galay Eebbe ma sugo e (uma kaadiyo).
Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: "Ruuxii leh xoola gaadhsiiya Xajka Beydka Eebbe ama seko ku waajibto ee aan falin, wuxuu warsan (ka codsan) Eebbe markuu dhiman in loo celiyo Adduunkii".
Al-Munaafiquun (5-11).
062: Suurat Al-Jumucah
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Waxaa Eebbe nasihi (weyneyn) waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan. Ilaahay waa Xaakin, Xumaan-ka-daahirane ah, Adkaade, Falsame ah.
2. Eebbe waa Kan u soo bixiyey kuwa aan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku akhriya korkooda Aayaadkiisa, (Quraankana) bara iyo Sunnada (Nebiga). Waxayna horey u ahaayeen kuwo baadi cad ku sugan.
3. (Waxaa kale oo Eebbe Nebiga u diray) kuwo kale oo aan weli la kulmin kuwaas. Eebbena waa Adkaade, Falsame ah.
4. Arrintaasina (Islaamka iyo Nebiga la soo diray) waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu doono. Eebbana waa Deeq iyo Fadli weyne.
Waxaa Ilaahay u khushuuca waxa uu ku abuuray cirka iyo dhulka, illeyn Isagaa awood lehe. Waana Kan addoomadiisa wanaagga u falay ee u soo diray Rasuul bani Aadan ah, si uu u hanuuniyo waxna u baro; kuwa jooga iyo kuwa iman doonaba.
Xaalkaasina waa xaal weyn oo kheyr ah cidduu (Ilaahay) doono ayuuna siiyaa, illeyn waa Deeq badane e.
Al-Jumucah (1-4).
5. Kuwii la faray inay Kitaabka Tawreed (ilaaliyaan) kuna camal falaan (waa Yuhuudda), haddana aan ku camal falin, waxay la mid yihiin dameer xambaarsan kutub badan. Waxaana xun masalka (tusaalaha) kuwaas beeniyey Aayadaha Eebbe. Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daallimiin ah.
6. Waxaad tidhaahdaa (Nebiyoow): "Kuwa Yuhuudda ahoow, haddaad sheegateen inaad tihiin awliyo Eebbe dadka kale ka sokow, geeri jeclaada. Haddaad run sheegaysaan".
7. Geerina ma jeclaanayaan weligood. Waxay hor marsadeen (oo gef ah) dartiis. Eebbana waa og yahay kuwa daallimiinta ah.
8. Waxaad ku tidhaahdaa: "Geerida aad ka cararaysaan way idin la kulmi. Markaasaa la idiin celin Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba. Markaasuu idinka warrami (idinka jaasin/abaal marin) waxaad camal falayseen.
Waa in Quraanka lagu camal falaa, lana raacaa si aan loola mid noqonnin Yuhuuddii dayacday Kitaabkii Tawreed, markaas Eebbe ku maslay (tusaaleeyey) dameer kutub lagu raray.
Jeclaanshaha Ilaahayna wuxuu ku xidhan yahay sida loo caabbudo iyo sida loo falo wuxuu ku faray, ee ma aha sheegasho inuu ku jecel yahay sida Yuhuuddu fasho.
Sidaas daraadeed, waa in Eebbe si dhab ah loo caabbudaa, illeyn Isagaa loo noqon e.
Al-Jumucah (5-8).
9. Kuwa xaqa rumeeyoow, marka laysugu yeedho salaadda maalinta Jimcaha ah, aada xusidda Eebbe. Wax gadashadana (ganacsi) ka taga. Sidaas ayaa idiin kheyr roon, haddaad tihiin kuwo wax og.
10. Markase salaadda la dhammeeyo, dhulka ku kala faafa, dalbana (doona) kheyrka Eebbe. Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhow dihiin inaad liibaantaan e.
11. Markay arkaan tijaaro (ganacsi) ama ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan. Waxayna kaa tagaan nebiyow adigoo taagan (khudbad akhriyi). Waxaad tidhaahdaa: "Waxa Eebbe agtiisa ah ayaa ka kheyr badan ciyaar iyo ganacsiba." Ilaahay waa kan ugu kheyr badan inta (cid) wax arsaaqda.
Salaaddu waa tiirka labaad ee diinta Islaamka. Dadaalkeeduna waa waajib culus; ama tan Jumcada ha ahaato ruux ay ku waajibtay ama tan kale ee caadiga ah ha noqotee. Waana in aan laga shuqloomin mar hadduu waqtigeedu (soo) galo, iyadoo ay waajib tahay in shaqada iyo kasabka xalaasha ah lagu dadaalo.
Aayadda kow iyo tobnaadna waxay ku soo degtay mar nebigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee) uu khudbad Jimce akhriyaayey oo safar badeeco wadaa soo galay (magaalada) Madiina. Markaas dad Asxaabtii ka mid ahi aadeen.
Sida Eebbe sheegay kheyrka agtiisa ah ayaa ka wanaagsan ciyaar iyo ganacsiba.
Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: "Ruuxii hadla maalinta Jimcaha isagoo iimaamku khudbadda akhriyi, wuxuu la mid yahay dameer kutub xambaarsan. Ruuxii ku yidhaahda aamusna (salaadda) Jimce uma jirto". Waxaa weriyey Imaam Axmad.
Al-Jumucah (9-11).
061: Suurat As-Saff
Magaca Eebbe yaan ku bilaabaynaa ee Naxariis guud iyo Naxariis gaar ahba naxariista.
1. Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa cirka iyo dhulka ku sugan. Eebbana waa Adkaade, Fal-San.
2. Dadka xaqa rumeeyayoow, maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin?
3. Waxaa cadho weyn Eebbe agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax aydaan falaynin.
4. Eebbe wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama jidkiisa (jihaadka), iyagoo saf ah oo aad mooddo dhismo la isku dhejiyey (midnimadooda).
Samaawaatka (samooyinka) iyo dhulkaba waxa ku sugan Ilaaheen baa abuuray. Isagayna ka amar qaataan, wayna u khushuucaan, maxaa yeelay Isagaa awood leh.
Kuwa Muu'miniinta ahina waa inay wax dhab ah qabtaan oo kheyr ah, ee aanay sheeganin wax aanay falin, maxaa yeelay taas Eebbe ma jecla.
Waana in jidka xaqa ah lagu jihaado si isku duubni ah, si gargaarka Eebbe iyo nasrigiisa (guul) loo helo.
Rasuulkuna (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: "Calaamadda munaafiqu waa Saddex: Hadduu ballamo (ballan-qaado) wuu baajiyaa. Hadduu sheekeeyana wuu been sheegaa. Haddii la aamminana wuu khiyaameeyaa". Waa saxiix.
As-Saff (1-4).
5. Xusuusta markii (nebi) Muuse ku yidhi dadkiisii: "Maxaad ii dhibaysaan idinka oo og inaan rasuul Eebbe idiin ahay?" Markay xaqii ka iisheen (leexdeen) ayaa Eebbana sii iilay qalbigooda. Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah.
6. Xusuusta markii (nebi) Ciise Ibnu Maryama ku yidhi (reer) Banii Israa'iil: "Waxaan ahay rasuul Eebbe idiin soo diray oo rumayn Kitaabkii Tawraad ee horreeyey. Kuna bishaareyn rasuul gadaashayda iman oo magaciisuna yahay Axmed". Markuu xujo cad ula yimidna waxay yidhaahdeen, "Kani waa sixir cad".
Muslimiintu waxay rumeyn nebiyadii iyo rusushii Eebbe khalqiga u soo diray oo dhan, iyaga oo aan kala qaadaynin siday u rumeeyeen Kutubta Eebbe ee saxa ah.
Waxayna aayadahani ina tusayaan in xaqu mid keliya yahay. Hase yeeshee, gaaladu ay kala qaybiyaan si ay qaar u beeniyaan.
Waxaa kale oo ku cad aayadahan in nebi Ciise ku bishaareeyey soo bixitaanka nebi Maxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Eebbe ha yeelee). Taasina waxay xujo ku tahay gaalada Nebiga beenin.
As-Saff (5-6).
7. Yaa ka dulmi badan ruux ku been abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi Islaamka? Eebbe ma hanuuniyo dadka daallimiinta ah.
8. Waxay doonayaan (gaaladu) inay nuurka (xaqa) Eebbe ku bakhtiiyaan afkooda. Eebbena wuu taam yeeli (dhammeystiri) nuurkiisa, haba naceen gaaladuye.
9. Eebbe waa Kan diray rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo diin xaq ah si uu (Eebbe) diimaha oo dhan uga sare mariyo, haba naceen mushrikiintuye (gaaladu).
Xaqa oo la diidaa waa dulmi iyo gardarro. Mana aha in ruuxii xaqa loogu yeedhaa uu ka abaal daro oo diiddo oo beenin kala soo horjeesto.
Hase ahaatee, wuxuu Eebbe ballan qaaday in xaqu sare maro, gaar ahaan, hanuunkii uu dunida u soo saaray Isagoo u soo dhiibay rasuulkiisii Maxamed ahaa (naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee).
Ruuxa caqliga lehna waxaa ku waajib ah in marka xaqa iyo wanaag loogu yeedho uu raaco oo aqbalo.
As-Saff (7-9).
10. Kuwa xaqa rumeeyoow ma idin tusaa ganacsi idinka koriya cadaab daran?
11. Waxaad rumaynaysaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa. Waxaadna ku dagaalamaysaan jidkiisa xaqa ah, idinkoo xoolihiinna iyo naftiinna u huri. Sidaas ayaana idiin kheyr roon, haddaad tihiin kuwo wax og.
12. Markaas Eebbe dembigiinna ayuu dhaafi. Wuxuuna idin gelin jannooyin ay dhex socdaan webiyaal iyo guryo wanaagsan oo ku dhexyaalla jan